|
Muqdisho, June 20, 2018 โย Raโiisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta furay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta siyaasado lagu Daryeealyo Qaxootiga dalka kusoo laabanaya iyo Barakacaasha gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado sidii xal waara loogu heli lahaa siyaasad mideysanna looga yeelan lahaa arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. โQof kasta oo Soomaali ah waxa uu noqday Qaxooti ama Barakece. Waa fududdahay in dhibkii kugu dhacay aad ka hadasho kadibna aad qeyb ka noqoto xalka iyo sida loogu heli karo siyaasadda ugu habboon ee daryeelka Baracayaasha iyo qaxootiga soo laabanayaโ, ayuu yiri ku-simaha Raโiisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya. Raโiisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda ayaa sheegay in ay sameynta siyaasadda ay saldhig u yihiin Dawlad gobaleedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir maadaama barakacayaashu ay kula suganyihiin goballada dalka, Qaxootiga soo laabanaya ay deegaansanayaan goballada. Waxa uu sheegay ku-simaha Raโiisul Wasaaruhu in Colaadaha, Abaaraha iyo Daadadku ay kamid yihiin Sababaha keena Barakaca, ayna tahay in qorshaha lagu daro sidii loo yareyn lahaa dhamaan waxyaabaha laga dhaxlo barakaca. โSiyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga kusoo laabanaya dalka waa Masuuliyad qaranka Saaran si gaar ahna u saaran Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Waa laga maarmaan in aan isla fahamno daryeelka, xuquuda iyo waxyaabaha aasaasiga u ahโ, ayuu yiri Raโiisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya. Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in Ku dhawaad 2.6 milyan oo Soomaali ah ay barakac ku yihiin gudaha dalka sidoo kale 1.1 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku suganyihiin guud ahaan caalamka ayna lagama maarmaan tahay in siyaasadda lagu daryaalayo la meel mariyo si tacaddiyada ay la kulmaan meesha looga saaro. |
|
—DHAMMAAD—- |
