Soomaaliya oo maxkamadda adduunka u gudbisay jawaab-celinta

Date:

Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ICJ ee magaalada Hague waxaa ku sugan Ergada Ku mataleya Soomaaliya si ay u gudbiyaan jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeya .

Galkan waxaa Maxkamadda lagu wareejinayey maanta saacadda Bariga Afrika marka ay ku beegneyd 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka’ ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.
19 ka sept 2016 kii ayeey ka billaabtay dhegeysiga dacwad u dhexaysa Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka soohdinta Baddedka Badweynta India ee labada dal.
Qareennada gacanta ku haya Galdacwadeedka Badda ay isku hayaan labada Dal waxaa ay si rasmi, ah ugu wareejinayaan  Maxkamadda Calaamigah ee ICJ.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan ka galayniin  waxa gorgortan ah Soohdinta Badda  ay xaqa u leedahay Soomaaliya, aynaa ku qanacaso Dawladda Soomaaliyaa Maxkamadda Calaamigah go,aanka ay ka garto muran ka tagan  Soohdinta Badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhexayso.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...