Duqaymo ka dhacay gobolka Gedo oo khasaaro loogu gaystay Al-shabaab.

Date:

Waabarigii saaka ayey duqayntan ka dhacday Saldhigyo ay Maleeshiyadu ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde oo 60-km dhinaca bari ka xiga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

wararka warbaahinta Qaranku ka heshay deegaanka ayaa sheegaya in ilaa sadex mar gantaal ay diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ee  Maraykanku ku garaaceen xarumaha Al-shabaab ay halkaasi ku lahaayeen ayna ku dhinteen Horjoogayaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Sidoo kale weerarka waxaa lagu burburiyey gaadiid iyo hub saldhigaasi yaallay, taas oo ka mid ah khasaaraha wayn ee weerarkaas ka soo gaaray Argagixisada.

Hawlgallo baaxad leh ayaa ka socda gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamada Soomaaliyeed, AMISOM iyo lahawlgalayaal caalami ah oo taageeraya weerarradaas ka dhanka ah Al-shabaab.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli kooxda dhexdeedu uu ka taagan yahay wah warreer tan iyo markii uu soo shaac baxay Xanuunka Kansarka ee ku dhacay horjoogaha Al-shabaad Axmed Diiriye.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...