Duqaymo ka dhacay gobolka Gedo oo khasaaro loogu gaystay Al-shabaab.

Date:

Waabarigii saaka ayey duqayntan ka dhacday Saldhigyo ay Maleeshiyadu ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde oo 60-km dhinaca bari ka xiga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

wararka warbaahinta Qaranku ka heshay deegaanka ayaa sheegaya in ilaa sadex mar gantaal ay diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ee  Maraykanku ku garaaceen xarumaha Al-shabaab ay halkaasi ku lahaayeen ayna ku dhinteen Horjoogayaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Sidoo kale weerarka waxaa lagu burburiyey gaadiid iyo hub saldhigaasi yaallay, taas oo ka mid ah khasaaraha wayn ee weerarkaas ka soo gaaray Argagixisada.

Hawlgallo baaxad leh ayaa ka socda gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamada Soomaaliyeed, AMISOM iyo lahawlgalayaal caalami ah oo taageeraya weerarradaas ka dhanka ah Al-shabaab.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli kooxda dhexdeedu uu ka taagan yahay wah warreer tan iyo markii uu soo shaac baxay Xanuunka Kansarka ee ku dhacay horjoogaha Al-shabaad Axmed Diiriye.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...