Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Ganaraal Cali Baashi

Date:

Muqdisho(SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in Meydkiisa la keeno magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...