Maxkamadda ICC oo sii daysay Jean Pierre Bembe oo dembiyo dagaal loo haystay

Date:

Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo Mr. Jean-Pierre Bemba oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamh.Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Mr. Jean Pierre Bemba ayaa maxkamadda Dembiyada dagaalka ee ICC waxa ugu ridday Xukun kusaabsanaa inuu ku luglahaa dagaaladii ka dhacayJamh.Dimuqraadiga ee Koongo, iyadoo ku eedeeysay inuu kaalin kulahaa dembiyo dagaal oo uu hore ugeystay kuwaasi oo ka dhacay gudaha dalkaasi.

Maxkamadda ICC ayaa shaacisay in ay ka laabatay go’aankii hore ay u ridday kadib markii ay war ka soosaartay kadib kulan looga arrinsanayay kiiska Mr. Bemba usbuucii aynu kasoo gudubnay.

Pierre ayaa lagu xukumay toban iyo sideed sanandood oo xabsi ah sanadkii 2016-kii.

Garsooreyaasha Maxkamadan oo go’aamiyay in dacwaddii horey loogu soo dib looga laabtay kadib markii la cadeeyay in askar daacad u ahayd isaga ay ahaayeen kuwii ka geystay dembiyada dagaal dalka Jamh. Afrikada dhexe taasi oo muujinaysa inaan mas’uuliyadda eedahaasi Mr. Bemba lala xiriirin karin sidaasi darted waxa ay Maxkamadu si kumeel gaar ah u siisay xorriyadiisa.

R/Wasaaraha Britain Theresa May ayaa qirtay in ay oggoshahay in la sameeyo hanaan lagu xakameeyn karo socdaalka Midowga Yurub ee muhaajiriinta si wax looga qabto mashkiladda socdaalka dhulka.

Mr. Bemba ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto deegaanka uu ku nool yahay oo ah dalka Beljam-ka halkaasi oo ay daggan yihiin qoyskiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...