Spain oo aqbashay Markab tahriibayaal wada oo Talyaanigu diiday

Date:

Dawladda Spain ayaa aqbashay in Dekadeheeda uu ku soo xirto Markab wada in ka badan 600 oo Tahriibayaal ah, kaas oo shalay Talyaaniga iyo Malta ay u diideen inuu xeebohooda yimaado.

Markabkaas ayaa wada 623-Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 123-Carruur ah, waxaana dadkaas badankood ay ka soo jeedaan dalalka Eritrea, Ghana, Nigeria iyo Sudan, balse waxaa dhibaato ka soo gaartay safarka iyo diidmada Talyaaniga.

Ra’isalwasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay inuu aqbalay tahriibayaasha, isagoo muujinaya dareen bini’aadanimo, markii uu qiimeeyey xaaladda tahriibayaasha oo muddo todobaad ah badda sabaynayey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...