Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta & dowladda Hoose

Date:

Muqdisho(SNTV):—-Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya jiro wajigii ugu danbeeyay (SMP3).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha.

R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo.

R’iisul Wasaaraha ayaa sidaas oo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si mar waliba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha u yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...