Lebanon oo shaqaalaha UNHCR ka joojisay rusqaddii shaqada

Date:

Wasiirka Arimaha Dibadda Lubnaan ayaa ku eedeeyay Hay’adda Qaramada Midoobay in ay fidanayso cabsida islamarkaana ay niyad jebin ku hayso dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay dagaalada Siiriya.

Lubnaan ayaa amartay in la joojiyo codsiyada deegaamaynta oo ay soo gudbinayaan shaqaalaha Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR, waxaana ay ku eedeeysay in ay taasi niyad jab ku tahay dadka qaxootiga ah ee ku laabanaya gurigooda hooyo.

Gebran Bassil oo ah wasiir katirsan xukuumadda Lubnaan ayaa sheegay in ay hay’addu hakad gelisay soo noqoshada qaxootiga iyadoo fidisay warar ku aadan cabsidaasi.

Mr. Bassil ayaa intaasi ku daray inuu qaadi doono talaabooyin dheeraad ah oo looga soo horjeedo hay’addaasi.

Bayaan ay soo saartay dowladda islamarkaana ay ku saxiixan tahay wasaaradda Arrimaha dibadda Lubnaan, ayaa lagu sheegay in shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga u qaabilsan ay ka shaqeeynayaan sidii niyad jab loogu beeri lahaa qaxootiga Siiriya iyagoo waydiinaya su’aalo qeyexan kuwaasi oo cabsi gelinaya xaaladahooda dhinaca amniga ee gudaha dalkaasi Syria iyo sidii dib loogu celin lahaa iyadoo aysan jirin aragti guud oo caalami ah oo lagu eegay arrintani.

UNHCR waxa ay si qeyexan u sheegtay in ay ka shaqaynayso in aysan dadkaasi dib ugu laaban dalkooda, taasina ma ahan waajibaadka saaran iyaga,”

“Waajibaadka UNHCR ayaa ah in ay dadka u xaqiijiso waxa ay sameeynayaan”, laakiin waxa dhacaya ayaa ka baxsan Arimahani”,  sidaasi ayaa waxaa lagu qoray bayaanka Wasaaradda A/dibadda ee dalka Lubnaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...