Lebanon oo shaqaalaha UNHCR ka joojisay rusqaddii shaqada

Date:

Wasiirka Arimaha Dibadda Lubnaan ayaa ku eedeeyay Hay’adda Qaramada Midoobay in ay fidanayso cabsida islamarkaana ay niyad jebin ku hayso dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay dagaalada Siiriya.

Lubnaan ayaa amartay in la joojiyo codsiyada deegaamaynta oo ay soo gudbinayaan shaqaalaha Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR, waxaana ay ku eedeeysay in ay taasi niyad jab ku tahay dadka qaxootiga ah ee ku laabanaya gurigooda hooyo.

Gebran Bassil oo ah wasiir katirsan xukuumadda Lubnaan ayaa sheegay in ay hay’addu hakad gelisay soo noqoshada qaxootiga iyadoo fidisay warar ku aadan cabsidaasi.

Mr. Bassil ayaa intaasi ku daray inuu qaadi doono talaabooyin dheeraad ah oo looga soo horjeedo hay’addaasi.

Bayaan ay soo saartay dowladda islamarkaana ay ku saxiixan tahay wasaaradda Arrimaha dibadda Lubnaan, ayaa lagu sheegay in shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga u qaabilsan ay ka shaqeeynayaan sidii niyad jab loogu beeri lahaa qaxootiga Siiriya iyagoo waydiinaya su’aalo qeyexan kuwaasi oo cabsi gelinaya xaaladahooda dhinaca amniga ee gudaha dalkaasi Syria iyo sidii dib loogu celin lahaa iyadoo aysan jirin aragti guud oo caalami ah oo lagu eegay arrintani.

UNHCR waxa ay si qeyexan u sheegtay in ay ka shaqaynayso in aysan dadkaasi dib ugu laaban dalkooda, taasina ma ahan waajibaadka saaran iyaga,”

“Waajibaadka UNHCR ayaa ah in ay dadka u xaqiijiso waxa ay sameeynayaan”, laakiin waxa dhacaya ayaa ka baxsan Arimahani”,  sidaasi ayaa waxaa lagu qoray bayaanka Wasaaradda A/dibadda ee dalka Lubnaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta,...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo...