Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Date:

Muqdisho (SNTV):โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo u weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta lagu tababoro Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle ee Shabeellha Hoose. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyo habka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo khudbad dheer kula hadlay qaar ka mid ah ciidanka iyo Saraakiishooda ayaa tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka dalkana wuxuuna yiri โ€ Dhismaha xarunta cusub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.

โ€œSi dawladnimadda loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaatay in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad uga shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaayeen muqtaqabla wanaagsan.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadeeyay in hadafyadda ugu waawayn ee xukuumadiisu ay tahay in ciidamadda dib loo habeeyo, diyaarna loo yahay in lagu taageero waxkasta oo ay u baahdaan ciidanku, so loo haga. Idinku hadii aad soo celin waysaan qarinadda Soomaaliyeed ma jirto cidkale oo soo celin doonta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale