Duufaanta Sagar oo Dad ku dishay Gobolka Bari

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Ugu yaraan Laba Qof oo uu mid ahaa ganacsade lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee, Abshir Jaamac Faarax ayaa ku geeriyootay Dad intaa ka badanna waa lagu la’yahay markii uu Daad la tagay Gaadiidkii ay ku safrayeen inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho.

Waxaa go’an Isgaarsiinta qaybo ka mid ah Gobolka Bari, waxanay Daadadka ka dhashay Duufaanta Sagar oo Saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland sababtay qasaara Nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo ku dhawaad 100 Neef oo Xoolo ah ku dishay Gobolka Sanaag.

Gaadiid badan oo xamuul ka keenay Boosaaso iyo Dadkii saarnaa ayaa ku xanniban hareeraha Dooxooyinka u dhexeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, xilli laga xagaa baxayo Dhulka Xeebaha ah ee kulaala Badda Cas.

Waxaa sidoo kale xanniban Gaadiidkii isaga kala gooshayay Magaalooyinka iyo degaannada Soomaaliland, iyadoo ay Duufaantu burburisay Laashah badan oo ay lahaayeen Kalluumaysatada Gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta iyo hay’adaha ka howl-gala Puntland iyo Soomaaliland ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay farayay Gaadiidlayda iyo Dadka xeebaha ku nool inay ama ka shaqaysta inay ka feejignaadaan isla markaana ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda si uu u yaraado qasaaraha ka dhalan kara Daadadka iyo dabaylaha socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...