Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Danjire C/raxiin Caabi Faarax

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Danjire C/raxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire C/raxiin Caabi Faarax oo ku geeriyoday Mareekanka, ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum C/raxiin Caabi Faarax  waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamka.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee uu soo qabtay Marxuum Danjire C/raxiin Caabi Faarax  waxaa ka mid ah Danjiraha Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midooba iyo sidoo kale ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waana qofka kaliya ee Soomaali ah oo derejadaas gaadhay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...