Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad mariyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay su’aalo weydiiyeen wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay in aysan ka maqaan kulamada golaha, maadaama golaha howlo badan ay horyaalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in guddoonka golaha ay isla garteen in ladayactiro xarunta golaha shacabka, isagoo dhinaca kalena aad u amaanay howlaha gudiyada golaha, waxaana ugu dambeyn guddoomiyaha uu ka codsaday xildhibaanada In ay ilaaliyaan waqtiga kulamada guud ee golaha maadaamaa howlo badan ay golaha horyaalaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...