Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo balan qaaday in uu wax ka qaban doono arimaha horyaallo

Date:

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii Codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda i siisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2017 waxaan hortiina ka aqriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balanqaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si danta dalka iyo dadka ay ku jirto”.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo wareega sedexaad kula tartamay Mudane Maxamed Mursal ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub, isagoo balanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...