Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo maanta Khudbad ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo xilka degistiisa.

Wuxuuna Xildhibaanada hortooda Mr. Jawaari uu ka cadeeyay ineysan jirin wax lacag ah oo looga bedeshay iscasilaada uu sameeyay,isagoona dhanka kale tibaaxay in xil ka degistiisa ay muhiim u ahayd Qaranimada iyo jiritaanka Dowladnimada Soomaaliy.

Mudane: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa xilkaan waxaa loo doortay 11-kii bishii Janaayo sanadkii 2017,,isagoo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday dalka,waana qabiir dhanka sharciga oo mudo ka badan 50-sano soo ahaa shaqaalo Dowladeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...