Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan la qaatatey Maamulka Gobolka Benaadir

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.

“Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda, Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan”ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka”.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda Dastuurka uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...