Milatari loo dhaariyey Difaaca dalka kaddib dhammaadka tababarkooda.

Date:

Ciidammadan waxaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som xoogga dalka Soomaaliyeed ayeeyna qeyb ka yihiin dufcaddaan, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.

Waa 138 ciidammadan loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa, dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

 Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

Hoggaanka Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey  ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka dhabbeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga  ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.

Taliyaha Xerada tababarka Turky-SOM G/sare Maxamed  Yaasiin Karan ayaa aaminsan in ciidankan ay yihiin  ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa Xoogga dalka Soomaaliyeed, muraalka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “Soomaaliya mar  kale ayeey dib ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidankeedii awoodda  lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u dhowraan,  cadowgana uga ilaaliyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.

Kuliyaddaan Turky-SOM waxa ay xoogga saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah, heysta qalab ku filan, taas oo bilow  u ah isku filnaansho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka dhow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...