Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.

Date:

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayna soo qaban qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan waxaa ka soo qeyb galay madaxda Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Ugu horeyn inta aysan bilaawan Munaasabadda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa goobta ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkane Suudaan Cabdiweli Xasan Xuseen iyo Fiidwo Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ardayda Somaaliyeed ee Dalkaasi Suudaan waxkabarata ayaa warbixin ku saabsan xaaladooda nololeed iyo heerkooda waxbarasho uga xog waramay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdigiisa,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Qudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ardayda ugu warbixiyay xaalka Dalka uu marayo iyo horumarka ay ku tilaabsatay Dowladda Soomaaliya,isagoo Ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta soo gabagabeeya booqasho 4-maalin qaadatay oo uu ku joogay Dalka Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...