Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo laba guddi u saaray cabashooyinka ka taagan canshuuraha iyo Ganacsatada

Date:

Kulanka guddiga  joogtada ee golaha shacabka waxaa guddoominayey guddoomiyaha golaha shacab Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha.

Diiradda waxaa lagu saaray kulanka xaaladaha ka taagan Ganacsiga iyo suuqyada caasimadda oo ka dhallatay habka nidaamka canshuur bixinta dowladda iyo ganacstada, xubnaha guddiga ayaana isla falan-qeeyey sidii  looga wada qeyb-geli lahaa xal u helidda arrimahan.

Guddoomiyaha guddiga Ganasiga iyo Warshadaha ee golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/raxmaan ( Beena Beene) ayaa SNTV u sheegay in laba guddi loo saaray arrimaha Ganacsada, berrina ay kulan deg deg yeelan doonaan, si looga soo tala bixiyo.

Dhinaca kale Xog-hayaha guud ee golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in horraanta Bisha Maarso in uu furmi doono Kalfadhiga 3-aad ee golaha shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...