Maamulka Degmada Heliwaa oo faah faahin ka bixiyay dab ka kacay Suuqa Xoolaha (Sawirro).

Date:

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa faah fahin ka bixiyay dab xalay saqdhexe ka kacay dukaamo ku yaalo xaafadda Suuqa Xoolaha, kaasi oo geystay qasaare hantiyeed oo aad u balaaran.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Dab xoogan ayaa ka kacay Dukaaman ku yaala Suuqa Xoolaha abaaro 12:00 am saqdhexe, waxaana Alle nagu guuleysiiyay in aan damino dabka Tobankii ama Afartii iyo bar Habeenimo (4:03am), waxaana gubtay ilaa iyo sagaal dukaan, kaasi oo ka bilowday dabka koronto”.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa xusay in dabka uu geystay khasaaro hantiyayeed oo aad ubalaaran, waxaana uu intaa ku daray in guddi isugu jira ganacsato iyo maamulka degmada uu u saaray inay soo qiimeeyaan waxyaabaha uu ka dhashay dabka iyo qasaaraha dhabta ah ee uu geystay.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa Alle uga baryay ganacsatadii ku hanta beeshay in uu badal kheyr qabo siiyo, isagoo u mahadceliyay dhamaan intii kala qeyb qaadatay daminta dabkaas oo qaatay waqti aad u dheer.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay shacabka in ay is garab qabtaan marka ay dhacdo musiibo nuucaani oo kale ah., si loo yareeyo qasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...