Tababarayaasha Milliteri ee Jarmalka ka joogay Soomaaliya oo waqtigooda dhammaystay.

Date:

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay xubnaha tababarayaasha ah ee Ciidankeeda xoogga ka jooga Soomaaliya kala bixi doonaan dabayaaqada Bisha March ee Sanadkan.

Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Jarmalka ayaa wargeyska Der Spiegel; u sheegay Shalay inay joojin doonaan howlaha laylinta Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ee ay Midowga Yurub ka wadaan Dalkeenna.

Militeriga Jarmalka waxaa Soomaaliya ka jooga Shan Sarkaal oo ka qayb qaadanayay tababarka hoggaanka Midowga Yurub ee ciidanka Soomaaliyeed, kaas oo soo billowday Sanaddii 2010-kii.

Dowladda jarmalka ayaa qayb ka ah Waddama badan oo Reer galbeed ah, kuwaasoo Soomaaliya ka caawiya xagga tababarrada ciidanka, la talinta iyo howlaha gargaarka kala duwan.

Isha/Reuters

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...