Wasaaradaha Arimaha Dastuurka iyo arimaha gudaha oo kulan la qaatey Gudiga madax banaan ee doorashooyinka

Date:

Kulan wadajir ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha ayaa Muqdisho ka dhacay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ujeeddadiisu ahayd in afarta hey’ad ay k awada hadlaan wadashaqayntooda gaar ahaan hawlaha ay gaarka u leeyihiin iyo kuwa ka dhaxeeya ee ay tahay in si wadajir ah ay uga wadashaqeeyaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay Hey’adaha ku soo bandhigeen qorsho-hawleedkooda, kadibna waxaa laga dooday sida ay tahay in loo wadashaqeeyo.

Guddiyada Madaxbanaan ayaa waxa ay Wasaaradaha ka codsadeen in ay u soo dedejiyaan diyaarinta shuruucda muhiimka u ah ee ay ku xiran yihiin oawlaha ay qorsheysteen in ay sanadkan qabtaan.

Dhanka kale, Wasaaradaha ayaa ballan qaadeen in ay fulin doonaan codsiga Guddiyada si sanadkan ay guul uga gaaraan hawlaha ay qorsheysteen.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maalmihii dambe waday in ay xiriir wanaagsan oo wadashaqeyneed la yeelato hey’adaha ay hawsha kala dhaxeyso si guul looga gaaro Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...