Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo Muqdisho lagu qabtey

Date:

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ahne ku simaha Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha ย Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo socon doono Muddo Seddex Maalin ah, kaasi oo looga arrinsanayo siddii loo dajin lahaa siyaasadan oo muhiim u ah Wax soo saarka Dalka iyo Wax ka qabashada Abaaraha soo laablaabtay.

Shirweynaha Qaran, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda Beeraha ee Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada, Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha XFS, Xubno ka socday Hayโ€™adda Cunada iyo Beeraha Adduunka iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFSย Mudane Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid oo Shirweynaha Qaran ka hadlay, ayaaย  waxa uuย tilmaamay inay ka goโ€™antahay siddii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka.

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Xukuumadda dedaal ay ugu jirto siddii loo kobcin lahaa wax soo saarka Beeraha iyo Dhaqaalaha Dalka, si wadankeena uu u gaaro Horumar ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...