Maxaabiis Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Maxaabistan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana ย Garoonka diyaaradaha ย Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta ย Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona ย dalka halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsigaย lagu xukumay.

Taliyah Ciidanka ย Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay ย in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeerilaaiyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaanย  Xukunnada ย u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaajiย  ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...