Maleeshiyada Alshabaab oo Gawaari ku rarnayd Badeeco Ganacsi ku Gubay G/Hiiraan

Date:

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari ku rarnayd badeeco ganacsi xili ay marayeen deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gubay ilaa 6 gaari oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed,kuwaasi oo ku sii jeeday Gobolada Bay,Bokool iyo deegaano katirsan ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Sida ay SONNA u sheegeen dadka deegaanka.

Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa ah deegaanka lagu magacaabo Maroodiile oo khayaas ahaantii 25 KM u jira magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoo u adeegsaday Baasuukayaal iyo Basiin si ay u gubaan dhamaan 6 gaari iyo badeecadda saarnayd.

Waxaa iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka,Al-shabaab ayaa la sheegay in halkaasi looga dilay ilaa 4 qof.

Wariyaheena Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegayaa in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saaka ka amba bexeen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo howlgalo ka wada deegaankii ay Shabaabku ku gubeen gawaarida.

Maleeshiyada Shabaab ayaa Deegaanka Maroodiile ee G/Hiiraan ku gubay 6 gaari oo ku rarnaa badeeco ganacsi,iyadoo C.X.D ay saaka howlgalo ka wadaan deegaankaasi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...