Abul-Qeyd oo sheegay in qaraarka Mareykanka ee la xiriira Qudus uu yahay mid baadil ah

Date:

Al-Qaahira-(SONNA)- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd ayaa ka sheegay kulanka deg degga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee magaalada  Qaahira ka socda in go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ee la xiriira in magaalada Qudus  u aqoonsaday  Caasimadda Israel, marka hore ay ku habooneyd in Qudusta Bari uu uictiraafo Caasimadda Dowladda Falastiin.

Abul-Qeyd  ayaa intaa raaciyay in qaraarkaasi uu gaaraay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Qudus khuseeya uu yahay mid baadil ah,wuxuuna cadeeyay in qaraarkaasi oo ka soo horjeedo mabiidi’da sugan iyo cahdiga Qaraamada Midoobay oo sheegay in Israel ay magaaladaasi xoog ku haysato iyo waliba dhulalka kale ee dadyowga Falastiin.
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd, wuxuu kaloo cadeeyay in go’aanka ay Dowladda Mareykanka qaaday uusan marna waxba ka badaleyn xaqiiqda dhabta ah ee la haansha falastiin magaalada Qudus oo ay Israel sharci daro ku qabsatay, wuxuuna ka codsaday dhamaan Dowladaha  Caalamka inay mareykanka ka hor joogsadaan inay safaradeeda u rarto magaalada Qudus.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga Caadil al-jubeyr ayaa ugu baaqay Maraykanka in ka noqoto qaraarka ay magaalada Qudus ugu rarayso safaaradeeda, ayna ilaaliso xuquuqda sharciga ee dhulalka dadyowga xaq u dirirka ah ee Falastiin oo ay Istrael xoog kula wareegtay sanadkii 1948 dii.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar Saamah Shukri ayaa isna shirkaasi ka sheegay in talaabada uu Madaxweynaha Mareykanka qaaday ee la xiriirta Arrimaha Qudus uu yahay mid mandiqada bariga dhaexe u horseeday dhibaato hor leh uuna yahay mid meesha ka saaraya xaqa falastiin ay u leedahay aaya ka talinteeda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee falastiin Riyaad Maaliki ayaa issna kulunkaasi wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda carabta ka sheegay inay marna geyigaasi nabad waarta ka aslaxeyn ilaa Qudus bari loogu ogolaado Caasimadda dowladda falastiin.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada Jaamacadda Carabta oo ka qeyb galaya kulankaasi  ayaa dhamaantood mowqif mideysan ka yeeshay arrimaha qadiyadda Falastiin iyo qaraarka Madaxweynaha M areykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...