Boliiska Kenya oo toogtay Nin looga shakiyay argagixiso

Date:

Nairobi-(SONNA)-Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa Saakay toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaasoo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha ammaanka.

Ninkan oo markii la dilayay ku sugnaa degaan lagu Magacaabo Likoni, ayaa isku dayay inuu la dagaallamo Askarta, isagoo Seef ku dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha Boliiska, ka hor intaanan la toogan.

Mtsomo, ayaa la tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Ururka Al-shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya, isagoo la tilmaamay inuu dhallin yaro badan oo kasoo jeedda Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah u qoray inay ka mid noqdaan Daacish.

Isha: The Standard

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...