Kulan lagu daah furayey wadatashiga siyaasadda tababarada qaranka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA), Kulankan,  ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daahfuray Wadatashiga Siyaasadda TabaradDa Qaranka, kaasi oo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in la isku howlo ama laga wada hadlo.

Madasha kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Saalax Axmed jaamac,  ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Shaqada ee KG, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La-taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimeyaasha tabarada ee 26 ka Wasaaraddood ee XFS, iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka.

Waxaa hadalka daahfuray Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,  Ismaaciil Macalin Cabdullaahi, isagoo si diirran u soo dhoweeyay kasoo qeybgalayasha kulanka, waxuuna si kooban uga warramay ujeedka kulanka, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay owgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal loo helo, lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hirgeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac,  ayaa  salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri:-

“Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayyiman ee ujeedda gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, Haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho, Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda” ayuu yiri wasiir Saalax

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...