Michael Flynn oo qirtay arrin laxiriirta xiisadda Ruushka iyo Mareykanka

Date:

Washington(SONNA) War haatan soo baxay ayaa sheegaya in Michael Flynn oo hrey u ahaan jirey Taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweyne Donald Trump in uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda Sirdoonka Wadankaasi  Maraykanka ee FBI.

Mr Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago ka dib markii lagu eedeyeey in uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.

Mr Robert Mueller oo ahaa ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii ayaa lagu soo waramayaa in  Dacwadaha hadda loo heysto Michael Flynn uu isaga  ka keenay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Michael Flynn uu isu diyaarinayo in uu bixiyo marqaati ku aadan wiilka uu sodoga u yahay Mr Trump Jared Kushner uu ka mid ahaa xubnaha sarsare ee xilligii kala guurka bixiyay amarka ah in xiriir lala sameeyo Ruushka.

Ninka dacwadda lo heysto Mr Flynn ayaa sheegay in uu la shaqayn doono gudiga baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeeen doorashadii mareykanka ee 2016,taasi oo keeni karta in ay sii kororto siyaasadda cakrin ee ka dhexeysa Mareykanka iyo Wadanka Ruushka.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa War ka soo baxay lagu sheegay in Mr Flynn uusan cidna dambi ku qirin balse arrintani ay mid uun isaga qusayso.

Sanatar Mark Warner oo ah gudoomiyaha gudiga sirdoonka u qaabilsn aqalka sanetka ayaa sheegay in ay doonayaan in dadk Mareykanka ay ogaadaan faafaahin buuxda oo ku saabsan arrintan faragalint Ruushka iyo ciddii ku lug lahayd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen...

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...