Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo khudbad ka horjeedinaya Golaha Shacabka JFS

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulanka maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  waxaa ajandaha uu yahay akhrinta iyo qeybinta warbixinta la xiriirta dhismaha guddiga adeegga Garsoorka iyo khudbadada uu jeedinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti  ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka qeyb galo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka isla-markaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka,taasi oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa khudbadda uu Maanta ka horjeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wadaa in uu ku soo hadal qaado Xariirka ka dhaxeeya Labada Baarlamaan ee Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada Dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed,taasi oo haatan u muuqataa in ay tahay mid muuqata.

Mudane Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isla shalay socdaal gaaban ku tagay Magaalada Beled-weyne,halkaasi oo uu ku booqday Ciidamada Jabuuti,waxaana socdaalkiisa ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arna’uud Cali oo waqtigaasi khudbad ka jeediyay kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...