Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Date:

Guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la kulmay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, kulaankaas oo daba socda kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga uu la lahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee dib u qaabeyn loogu sameyn karo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo siddii loo kordhin lahaa howlgalada dalka looga xoreynayo kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Guddiga Maaliyadda, ayaa Sidoo kale la kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  iyagoona ka wadahadlay Xisaab xirka Miisaaniyada 2016-ka ee Qaranka.

Ugu Danbayntii Guddiga Gaadiidka, ayaa iyana yeeshay kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana looga hadlay Dajinta Qorshe howleedka Guddiga iyo la kulanka ilaa Afar Wasaaradood oo uu Guddiga ku leeyahay kor-joogtayn-tooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...