Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xorreeynayaan deegaanada Argagixisada ay ku dhuumanayaan “Sawirro”

Date:

Cadaado (SONNA), Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda Galmudug, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Xoreynta deegaanada Nabad diidka Alshabaab ay ku dhuumanayaan.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay in xor ay noqdaan deegaanada hadda gacanta ugu jiro argagixisada, waxaana bulshada Soomaaliyeed oo ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka Nabad diidka lagula jiro.

Nabad diidka Alshabaab, ayaa hadda ku dhuumanaya deegaano tiro yar oo ay kamid yihiin inta u dhaxeysa  Galcad, Xarardheer iyo Ceel dheer oo kawada katirsan  Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan la qorsheynayo inay soo galaan gacanta Ciidanka geesiyaasha ah ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...