Golaha Wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018

Date:

Kulan deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay lagu daray Miisaaniyadda ay yeelanayaan Akedemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaan iyo Warshadda soo saarta dharka ciidanak qalabka sida.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale dhageystay talooyin ay soo gudbiyeen saraakiisha laamaha ammaanka,oo kamid ah in waddooyinka lagu xiro camero CC iyo in gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho loo sameeyo Taarigo lagu aqoonsado si loo ogaado gaadiidka banaanka ka imaanayo.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa soo dhaweeyey qaabka ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday deegaanada Soomaaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...