Wafdigii guddoomiye Jawaari ka qeybgalay furitaanka kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Jubbaland

Date:

Kismaayo(SONNA) Furitaanka Kalfadhiga afaraad fadhigiisa koowaad ee xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland oo maanta ka furmay Xarunta golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland ee Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ,madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland kuxigeenada Aqalka sare ,guddoonka golaha shacabka ee jubbaland iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay ln fadhiyadii hore ee golaha shacabka jubbaland ay wax badan u qabsoomeen isagoo soo dhaweeyey imaatinka wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa golaha Wakiilada jubaland ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhiga afaraad ee golaha shacabka jubaland.

Madaxweyanah Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaaa u mahad celiyay wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb galay furitaanka fadhiga Golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland,wuxuuna muujiyay ah,iyadda ay leedahay in la wada shaqeeyo.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Soomaaliya oo u mahad celiyay shacabka iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa amaanay howlaha golaha shacabka Jubaland ay u hayaan dadka ku nool deegaanada jubaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay shir sanadeedka gu’ga (Spring Meetings) oo ka dhacay Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan...