Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegano katirsan Shabeelooyinka

Date:

Howlgaladani oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaano katirsan Gobolada Shabeelooyinka ayaa waxaa Maleeshiyaadka Shabaab looga saarey deegaano dhowr ah oo katirsan labada Gobol.

Deegaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto,Daniga Baalow iyo Deegaanka Jabaluul oo dhamaan toodi ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

Waxaa hoggaaminaya howlagaladaasi Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/llaahi Cali Caanood iyo abaanduulaha qeybta 12ka April Janaraal  MAxmuud Maxamed Koronto kuwaasi oo ciidamada ku dhiiro geliyay in Shacabka ay ka difaacaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada guud ee howlgaladan ay yihiin sidii kooxda Shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka isku xira Gobolada Shabeelada Hoose,SHabelada Dhexe iyo deegaanada ku xeeran oo inta badan Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.

Howlgaladani ayaa ku so beegmaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Maleeshiyada Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo gaaray Magaalada Doha ee Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Pakistan,kadib qarax lala beegsaday masaajid ku yaalla Islamabad

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ula wadaagaysaa...

NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...