Ururka Haweenka Qaranka oo 50 Haween ah baray farsamada gacanta

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ururka Haweenka Qaranka ayaa maanta tababbar u soo gabo gabeysay 50 haween ah oo la baray farsamada gacanta, gaar ahaan tolidda dharka, iyadoo munaasabaddii lagu soo gabo gabeynayay ay ka qeyb galeen xubno kala duwan iyo madaxda ururka.

Qaar ka mid ah haweenkii la baray farsamada gacanta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadaha la baray, sida tolidda dharka, ayna ku maareeyn doonaan noloshooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Marwo Madiino Maxamed Warsame oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in haweenka tababbarka loo soo xiray ay ka kala yimaadeen 17-ka degmo ee Gobolka iyo qaar ka mid ah xeryaha Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay inay joogteyn doonaan tababbarada gacanta ee la siinayo haweenka, si ay noloshooda u maareeyaan, waxaana ay dowladda Shiinaha uga mahadcelisay sida ay gacanta uga geysteen taaba gelinta tababbarka.

Tababbarka oo socday muddo afar bilood ah ayaa haweenkii ka faa’iideystay waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad, maadaama la siiyay xirfado ay ku shaqeysan karaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...