Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi kusoo dhoweeyey dhaawacyadii maanta Muqdisho laga qaaday “Sawirro”

Date:

Nairobi (SONNA) Dhaawacyaddii Maanta laga qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa dalka Kenya, ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka diyaaraddaha Magaaladda Nairobi, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin uu ka mid  yahay ku simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mudane Cali Bagadi iyo Masuuliyiin Dowladda Imaaraadka ka socda.

Dhaawacyaddaasi gaaray Dalka Kenya, ayaa Magaaladda Muqdisho waxaa ka qaaday Dowladda Imaaraadka, waxaana ay tira ahaan gaarayaan 9 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, iyaddoo  horay dowladdaasi ay kenya u geeysay 7 qof oo Bukaan ah, kuwaasi oo dhammaan ku dhaawacmay Qaraxii Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Muqdisho.

ku simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa  Dowladda Imaaraadka uga mahad celiyey garab istaaga ay u muujisay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in Safaaradda si dhow ay ula socon doonta Xaaladda Caafimaad ee Bukaanadda Dalka kenya la geeyey.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...