W/Diinta iyo Awqaafta JFS oo 400 oo kutubo ah ku wareejisay Jubbaland

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta kuwareejiyay Wasiir kuxigeenka  Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland, inkabadan 400 oo kutubta quraanka kariimka qawlkii eebe oo loogu tala galay in lagu horumariyo  dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa  xildhibaan Axmed ugaas  oo ah guddoomiyaha guddiga Cadaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  jubbaland ,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Jubada Hoose,Wasiir ku xigeenka Cadaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland  iyo Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta xukumadda soomaaliya.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada Hoose Axmed Nuur  iyo xildhiban Axmed ugaas  guddoomiyaha guddiga Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  Jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa waxbarida ubadka.

Wasiir kuxigeenka Cadalada,Dastuurka iyo arrimaha Diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar  ayaa xusay in dhiiro galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto Diinta ay tahay mid waajib ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumada federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada soomalaiya ay ka go’an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...