DAAWO :- Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ka Jeediyey Furitaanka Shirka Wadatashiga

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey caawa munaasabadda furitaanka Shira wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo ay ugu horeyso ammaanka gaar ahaanna dagaalka lagu soo af jarayo argigixisada usoo tafa xeydatay daadinta dhiiga shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo sida dagaalkaasi uu muhiim ugu yahay in si mideysan loo wajaho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxa uu khudbadiisa uga hadlay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sugidda amniga dalka iyo muhiimada wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Hoos Ka Daawo Khudbadda Madaxweynaha:-

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaranka ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

Δημοσιεύτηκε από Villa Somalia στις Δευτέρα, 30 Οκτωβρίου 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...