Guddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Dalka Suudaan “Sawirro”

Date:

Suudaan(SONNA) Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa u amba baxay dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa.

Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye Jawaari xildhibaano katirsan Golaha SHacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiayah Golaha SHacabka iyo wefdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan madaxda dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo guddoonka baarlamaanka Dalkaasi oo casuumaad rasmi ah u fidiyay wefdigan.

Mas’uuliyiinta ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka iskaashiga ah ee ka dhexeey alabada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...