Dowladda Spain oo kala dirtay baarlamankii Catalonia

Date:

Iyadoo maamulka Catalonia uu ku dhawaaqey madax bannaani ayaa Mariano Rajoy Raii’sul wasaaraha Spain wuxuu kala diray baarlamaankii maamulkaasi.

Waxaa uu sidoo kale Raii’sul wasaaraha ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay taasi oo u muuqata mid jawaab u ah go’aankii baarlamaanka maamulkaasi uu qaatay.

Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii baarlamaanka maamulka Catalonia ay u codeeyeen madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale xilka ka qaaday oo shaqada ka cayriyay hogaamiyihii Catalonia Carles Puigdemont.

Waxaa sidoo kale shaqada laga cayriyay taliyihii booliiska gobolka Catalonia.

Dhibaatada gobolka Catalonia ayaa bilaabatay ka dib markii gobolkaasi ay ka dhacday afti ay ku tilmaamtay sharci daro maxkamada dastuuriga dalkaasi.

Hogaamiyayaasha maamulka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen aftida madaxbanaanida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...