Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Kalluumeysiga

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha  iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kalluumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka kuwaasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.

Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan  madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...