Roob lagu diirsaday oo Saacadihii lasoo dhaafay ka Da’ay Bartamaha Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA) Roobkaan oo ay ku diirsadeen bulshada Soomaaliyeed  ayaa ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay  Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Roobka ayaa ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahiweyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in Roobku uu yahay mid ay ku diirsadeen bulshada Gobolka ayna soo dhaweeyeen raxmada alle.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka socday Salaado roob doon ah oo ilaahay looga baryayay in uu ka dul qaado xaalada abaareed.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka da’aya Roobab ay ku qaboobsadeen shacabka,waxaana magaalada oo dhan laga dareemayaa jawi saxansaxo roobaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...