Roob lagu diirsaday oo Saacadihii lasoo dhaafay ka Da’ay Bartamaha Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Roobkaan oo ay ku diirsadeen bulshada Soomaaliyeedย  ayaa ka da’ay saacadihii lasoo dhaafayย  Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Roobka ayaa ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahiweyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in Roobku uu yahay mid ay ku diirsadeen bulshada Gobolka ayna soo dhaweeyeen raxmada alle.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka socday Salaado roob doon ah oo ilaahay looga baryayay in uu ka dul qaado xaalada abaareed.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka da’aya Roobab ay ku qaboobsadeen shacabka,waxaana magaalada oo dhan laga dareemayaa jawi saxansaxo roobaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...