Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiiyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Isbitaalada Muqdisho qaarkood gaarsiiyay deeq dawo ah, taasi oo ka qeyb  qaadaneysa habsami u socodka howlaha caafimaadka ee Isbitaalada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay Afar kun saddex boqol iyo shan kartoon ay tahay dawooyinka dowladda la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo qeyb ka mid ah maanta lagu wareejiyay maamulada Isbitaalada Keysaney, Deyniile, Benaadir iyo kuwa kale, si loogu adeego bukaanada isbitaaladaasi jiifa.

“Guud ahaan waxaa noo timid 4,305 (afar kun saddex boqol iyo shan ) kartoon oo daawo ah kuwaas oo ka kala yimid Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Qatar, US Aid, UN SOS, Puntland, Save the children, WHO iyo Zam Zam foundation” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha ay qabaan Isbitaalada magaalada Muqdisho, kaddib markii howlo wadeenno ka tirsan Wasaaraddu ay qiimeeyn ku soo sameeyeen qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...