Madaxweyne Waare oo Xalay Meel Fagaaro Ah Kula Hadlay Bulshada Bulshada Degmada Warsheekh

Date:

Munaasabad  lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay lagu qabtay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelah dhexe, iyadoo Xalay xili habeennimo ay soo gaareen degmada Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayay .

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmada ku soo dhoweeyay qeybaha kale duwan bulshada ku nool Degmada, Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jibriil, Xildhibaanno heer Qaran ah, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Mudane Shiidka, iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabadda ay ka dhaceysay ayaa waxaa heeso  ka turjumaya wadaniyadda iyo kheyraadka dalkeena iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’deysto ku soo bandhigay fanaaniin ay ka mid eheyd fanaanada Nadar Axmed Cilmi, heesahaasi oo ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Waxaa munaasabadda ku sugnaa oo wafdiga madaxweynaha qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Marwada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Maryan iyo saraakiisha Ciidamada Hirshabelle.

Munaasabadda intii ay socotay ayaa dadkii ka hadlay waxa ay muujiyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in la garab istaago Dowlad Goboleedka Hirshabelle la iskuna tashto.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer warsheekh uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti soorida.

Sidoo kale  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulkani uu ku abtirsado, waxaana Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay in dhowaan Warsheekh ay ka furi doonaan warshada sameysa kaluunka gasaceysan maadaama Warsheekh uu ilaah ku maneystay Xeeb aad u qurux badan oo dhex caagaagan Nimcada ilaahay.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday In ay la shaqeyn doonaan, waxaana carabka ku adkeeyay in dhowan ay dhisi doonaan Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar, Warsheekh Iyo Balcad, iyo dhamaan Wadooyinka Maamulka ee bur bursan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jabriil, Xildhibaanad Mina Xasan Shibis, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Mudane Maxamed Caadle oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana Madaxweyne Waare ay u rajeeyeen in ilaah uu ka dhigo kii dadka dalka horumar gaarsiiya waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha.

—- Dhammaad—

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...