Dowladda oo Shacabka ugu baaqay in ay u dibadbaxaan si Nabad ah

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Wabaahinta Qaranka  kula hadlay gudaha Xarunta Gurmad qaran, ayaa ugu baaqay dadka Dibad baxyada sameynaya ee ka mudaharaadaya Xasuuqii Zoobe in ay u banaan baxaan si nabdoon oo aysan sameynin Fowdo iyo Rabshado keeni kara waxyaabo aminga qatar ku ah.

 

Wasiirka, ayaa sheegay in Dibad baxayaasha ay la qeyb sanayaan Muragada iyo darreenkooda, ayna Dowladda aadkeysay Amaanka guud ee Caasimada, si Shacabka Soomaaliyeed dibadbaxyada ay wadaan uu ugu dhammaado si nabdoon.

Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto howlaha Gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacday KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...