Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ku baaqay in dagaalka Argagixisada Alshabaab loo midoobo “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cismaan Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka ee Caalamiga ah ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Ololaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Kooxda Argagixisada Alshabaab ay geeysteen KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

 

Wasiirka oo booqday Xarunta Gurmad Qaran, ayaa u mahad celiyey Qaar kamid ah wadamada caalamka oo Soomaaliya u muujiyey garab istaag dhab ah, si gaar ah waxa uu u xusay Wadamada Turkey, Jabuuti, Canada, France, Qatar, Mareykanka iyo Kenya oo uu sheegay in Gargaarka Soomaaliya loo fidinayo ay ka qaateen door aad muhiim u ah.

 
“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan siddii ay isaga xoreyn lahaayeen Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, waxay caado ka dhigteen in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waa in aan gacmaha is qabsanaa oo aan garab istaagtaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasuuqii KM 5 ka dhacay waxa uu tusaale uu yahay Arxan darrada Nabad diidka Alshabaab” ayuu yiri Wasiirka C/raxmaan

 
Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u kala harin caawinta iyo ka warheynta Dadka dhibaneyaasha ah ee dhaawacyada ay ka soo gaareen Qaraxii KM5 sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay, kaasi oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...