Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ku baaqay in dagaalka Argagixisada Alshabaab loo midoobo “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cismaan Maxamed, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka ee Caalamiga ah ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Ololaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Kooxda Argagixisada Alshabaab ay geeysteen KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

 

Wasiirka oo booqday Xarunta Gurmad Qaran, ayaa u mahad celiyey Qaar kamid ah wadamada caalamka oo Soomaaliya u muujiyey garab istaag dhab ah, si gaar ah waxa uu u xusay Wadamada Turkey, Jabuuti, Canada, France, Qatar, Mareykanka iyo Kenya oo uu sheegay in Gargaarka Soomaaliya loo fidinayo ay ka qaateen door aad muhiim u ah.

 
“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan siddii ay isaga xoreyn lahaayeen Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, waxay caado ka dhigteen in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waa in aan gacmaha is qabsanaa oo aan garab istaagtaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasuuqii KM 5 ka dhacay waxa uu tusaale uu yahay Arxan darrada Nabad diidka Alshabaab” ayuu yiri Wasiirka C/raxmaan

 
Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u kala harin caawinta iyo ka warheynta Dadka dhibaneyaasha ah ee dhaawacyada ay ka soo gaareen Qaraxii KM5 sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay, kaasi oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubada dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada...