Dowladda Imaaraadka oo dhaawacyo u qaaday dalka Kenya

Date:

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dibadiisa uqaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda ayaa loo qaaday dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya, iyadoo lacagta iyo baxnaanintooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...