Deg deg :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda  Soomaaliya oo is casilay

Date:

Muqdishi (SONNA)  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Dhinaca kale Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka ee dhinacyadda amaanka iyo Siyaasadda, iyagoo si  gaar ah uga hadlay arrimaha Maamul goboleedyada dalka jira.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya  ayaa soo dhoweeyey hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Xalay uu soo saaray, islamarkaana uu baaq ku aadan Midnimada Dalka in laga shaqeeyo uu ugu diray Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...