Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...