Wafdi ka socoda Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweyey Mareykanak

Date:

Muqdisho(SONNA) Munaasabadan ballaaran oo lagu soo dhaweynayay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ,waxaana ka qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed,Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Duqa magaalada Minneapolis.

Wafdigan waxaa kamid ahaa xildhibaan Xaniifa Maxmed Ibraahim Xaabsade,Samsam Maxmed, iyo Faadumo Abuukar,waxaan halkaasi ka hadashey xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegaty in booqashadooda ay wax weyn ku soo kordhinayso farxadaaha Soomaalida kunool Mareykanak.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashey Haweeneyda Duqa magaalada ka ah Minneapolis,iyadoo muujisay sida ay maamulkedu uu diyaarka ugu yahay garab istaaga bulshada Soomaaliyeed,waxayna xusatay in ay ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi

Xildhibaan Xaniif Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Samsam Maxmed oo ka mid ah wafdigan oo ka socoday Golayaasha Shacabka iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka, iyagoo sheegay in looga baahanyahay Qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dib u dhiska Dalkooda.

Wafdigan ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo uu la yeeshey mas’uuliyiinta qaar kamid ah hay’adaha iyo golayaasha Dowladda Mareykanka waxayna u kuurgalayeen sida ay u socdaan howlaha dastuurkiga ah ee hay’adahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...